Waa maxay Daryeelka Palliative?
Daryeelka loo sameeyo dadka la nool xannuunada/cudurada halista ah (Palliative care) waa daryeel caafimaad oo loogu talagalay dadka qaba cudur dilaa ah. Waxaa diirada lagu saaraa sidii xaaladooda loo wanaajin lahaa, taageerana loo siin lahaa, iyo sidoo kale tayada nolosha bukaanada iyo qoysaskooda. Waxay ka caawisaa dadka xannuunsan inay ku noolaadaan nolosha ugu fiican ee ay ku noolaan karaan ilaa inta noloshooda ka dhiman.
Goorma ayaa la bilaabi karaa daryeelka loo sameeyo dadka la nool xannuunada/cudurada halista ah (Palliative care)?
Daryeelka loo sameeyo dadka la nool xannuunada/cudurada halista ah (Palliative care) waxaa la bilaabi karaa xilli kasta inta uu qofku la nool yahay xannuun halis ah, ma aha oo kaliya toddobaadyada ama maalmaha ugu dambeeya. Marar badan waxaa dhacda, in bukaanku helo daryeelkaas (Palliative care) ayagoo weli qaadanaya daaweyno kale oo loogu talagalay xanuunkooda.
Yaa bixiya daryeelka loo sameeyo dadka la nool xannuunada/cudurada halista ah (Palliative care)?
Daryeelka loo sameeyo dadka la nool xannuunada/cudurada halista ah (Palliative care) waxaa bixin kara xirfadle kasta oo caafimaadka ah sida dhakhtar guud, khabiir caafimaad ama kalkaaliso caafimaad.
Adeegyada daryeelka palliative-ka ee takhasuska leh ayaa qeyb ka noqon kara marka calaamadaha xanuunka ee bukaanka haya ay kasii daraan. Badanaa waxaa hoggaamiya dhakhtar ama kalkaaliso caafimaad oo ku takhasustay xakamaynta calaamadaha xanuunka ee marka ay qofku noloshiisa gabagabo ku dhowdahay sida xanuuno aad u daran, matagga iyo neefsashada oo bukaanka ku adkaata.
Kooxda daryeelka palliative-ka ee takhasuska leh ayaa sii wadi doonta inay la shaqeyso kooxda daryeelka caafimaadka ee bukaanka waqti xaadirkaas la shaqeysa waxaana qeyb ka noqon kara:
- Dhakhaatiirta
- Kalkaalisooyinka caafimaadka
- Xirfadlayaasha caafimaadka ee Allied health
- Farmashiistayaasha
- Cilmi-nafsiga (Psychologists)
- Wadaadada ama shaqaalaha daryeelka diimeed
- Shaqaalaha si lacag la'aan ah ula shaqeeya daryeelka palliative-ka
Sidee loo heli karo adeegyada daryeelka loo sameeyo dadka la nool xannuunada/cudurada halista ah (Palliative care)?
U gudbinta adeegyada daryeelka palliative-ka ee takhasuska leh waxaa samayn kara qof ama xubin qoyska ka tirsan ama daryeele, ama xirfadle kasta oo caafimaadka ah.
Daryeel noocee ah ayay bixiya adeegyada daryeelka palliative-ka ee takhasuska leh?
Adeegyada daryeelka palliative-ka ee takhasuska leh waxaa ka mid ah:
- In bukaanka laga caawiyo sidii loo xakameyn lahaa calaamadaha xannuunka jirka ee daran
- In laga taageero wixii ay ka walaacsan yihiin ee khuseeya dhanka bulshada, dhaqanka iyo diinta
- La-talin iyo taageero la siiyo qof murugeysan iyo qoyskooda ama daryeelayaashooda
Xaggee lagu bixin karaa adeegyada daryeelka palliative-ka ee takhasuska leh?
Daryeelka loo sameeyo dadka la nool cudurada halista ah ee loo yaqaan palliative care ayaa lagu bixin karaa:
- Guriga
- Isbitaalka
- Meelo lagu daryeelo dadka xanuunsan (hospice)
- Guryo caadi loo degan yahay oo lagu daryeelo waayeelada
- Hoy lagu taageero dadka naafada ah
Qiimaha ku bixi kara adeegyada daryeelka palliative ka waa immisa?
Adeegyada daryeelka palliative-ku badanaa waa lacag la'aan. Waxaa laga yaabaa inay jiraan kharash ku bixi kara daawooyinka ama qalabka la isticmaalayo taas oo lagu sheegi doono haddii loo baahdo.
Taageero noocee ah ayaa loo heli karaa qoyska iyo daryeelayaasha?
Adeegyada daryeelka loogu talagalay dadka xanuunada halista ah qaba (palliative) ee takhasuska leh ayaa sidoo kale bixiya taageero wax ku ool ah iyo mid shucuureed oo ay heli karaan qoysaska iyo daryeelayaasha.
Maxaa dhacaya haddii aan turjubaan u baahnahay?
Waa muhiim inaad adeegga ogeysiiso haddii aad turjubaanu baahan tahay markaad booqaneyso.
Sidee u heli karaa adeeg ama macluumaad dheeraad ah?
- La hadal dhakhtarkaaga, takhasuska ah ama xirfadle kasta oo caafimaad
- Wac Adeegaaga daryeelka ee xannuunada halista ah ee deegaankaaga
- La xiriir Daryeelka Victoria ee xannuunada halista ah (Palliative Care Victoria)

Turjubaan taleefoon ayaa laguu heli karaa. Fadlan noo sheeg luqadda aad u baahan tahay.